SAWIRO:- Maxkamada Gobolka Banaadir oo War soo saaray dilkii iyo gubidii Axmed Dowlo

Xaffiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa maanta Maxkamadda Gobolka Banaadir Horgeeyay Dacwadda Marxuum Axmed Muqtar (Axmed Dowle) oo horey loo dilay laguna Gubay Gudaha degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Maanta waxaa qabsoomay dhageysiga 1aad ee dacwadda Marxuum Axmed Muqtaar (Axmed Dowle) kaasoo lagu gubay Degmada Yaaqshid 20/9 /2018.

Dacwadaan waxaa u eedeysan todobo ruux , sadex kamid ah waxaa lasoo qabtay taariikhdu markii ay ahayd 21.09.2018 waxaa sidoo kale sadex kale oo ku eedeysan dacwadan lasoo qabtay 17.10.2018, halka eedeysaneha todobaad uu yahay maqane.

Markii dacwadda laguda galay waxaa cadaymo iyo maragyo soo gudbiayay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka.

Dood dheer kadib Maxkamadda ayaa go’aamisay in fadhi kale la isugu yimaado maalinta arbacada ah taariikhdu ay ku beegan tahay 24.04.2019.