SAWIRO: Madaxweyne Deni oo la kulmay masuuliyinta wasaaradda Maaliyada Puntland

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Climi Karaash ayaa maanta maagalada Garoowe kullan kula qaatay masuuliyiinta wasaaradda Maaliyada Puntland.

Waxa ayna kala hadleen hanaanka ay u shaqeyso wasaaradda Maaliyada maamulkaasi, waxaana kullankaasi uu ka dhacay xarunta wasaaradda Maaliyada, halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay wasiirka Maaliyada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa waxa uu u muuqdaa in ahmiyad weyn uu siinayo arrimaha maaliyada maadama amrakiisii ugu horeeyay ee uu soo saaray uu ahaa in Bankiga Puntland uusan bixin wax dhaqaallo ah ilaa amar dambe.