SAWIRO: Khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Qaraxaani oo nuuciisa lagu sheegay in uu ahaa qaraxyada gawaarida lagu dhejiyo ayaa waxaa uu galabta ka dhacay isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxaday ayaa waxa uu ahaa gaaarida Soomaalida u taqaano Qooqanta ( TOYOTA pick up), waxaana lasoo warinayaa in cidina aysan saarneyn xiliga uu gaariga qarxayay, waxaana uu gaarigaasi ku jiray Baakin.

Qaraxan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen ilaa 4 ruux oo goobta ka akdhawaa markii uu Qaraxa dhacayay, kuwaasi oo durbadiiba loola cararay isbitaal.

Sawiro laga soo qaaday  gaariga qarxay ayaa waxa lagu arkayay olol xoogan oo qabsaday gaariga, iyo qiica ka baxayay oo cirka qabsaday, waxaana sidoo kale lagu arkayay dad weyne isugu soo xoomay goobtaasi iyo gaadiidka dab demiska oo rusheynaya gaariga qarxay.

Waxaa dhawaanahaan Magaalada Muqdisho kusoo badanayay qaraxyada nuucaani ah ee gawaarida lagu dhejiyo.