SAWIRO: Heshiis horudhac ah oo laga gaaray Colaadii bariga Mudug

Waxaa Heshiis Hor dhac ah Laga gaaray Colaadii ka dhex taagneed Bulshada Degaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo oo ka tirsan gobolka Mudug halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen beelo walaalo ah.

Taliyaha Ciidamada Dhulka Gen: Abdixamiid iyo Saraakiisha Taliska 21-aad oo uu horkacayo Taliyaha Qaybta Gen: C/Casiis Abdulaahi ” Qooje” ayaa galabta goobjoog ka noqdey isgacan saarka odayaasha labada dhinac taasoo hormuud ka ah heshiis dhaxal gal ah oo qorshuhu yahay in dhowaan la gaaro

Tilaabadan ayaa tusaale u ah sida bulshada deegaanku diyaar ugu tahay ka gudbida colaadaha daashadey iyo in ciidamada ay Ku gacan siinayaan howsha qaran ee nabadeynta.