SAWIRO:-Guddiga xil wareejinta Gobolka Banaadir oo Shaqooyinkooda bilaabay

Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadalle ayaa Maanta waxaa uu kormeer ku tegay halka loogu talo galay inay ka dhacdo munaasabadda uu xilka kula wareegayo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehlinayay Xubnaha Guddiga Xil-wareejinta oo ka kooban 9 Xubnoodm,waxaana ay soo indha-indheyeen sida loogu diyaar garoobay munaasabadda xil wareejinta.

“Waxaan kormeer ku sameeyey madasha loo diyaariyey in ay ka qabsoonto munaasabadda xil la wareegidda iyo soo dhaweynta Duqa Cusub ee Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed  (Filish) ayuu yiri Ibraahim Mahadalle”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa bogaadiyay Guddiga xil wareejinta Goboplka Banaadir, isaga oo u mahad celiyay.

“waxaan aan bogaadinaa Guddiga qaban qaabada Munaasbada xilwareejinta oo shaqo muhiim ah qabtay isla’markaana dar-dar geliyey sidii ay u qabsoomi lahayd munaasabad qurux badan ayuu yiri Cumar Filish”.

Si kastaba Maalinta berito ah ayaa la filaya in Magalada Muqdisho lagu qabto munaasabada uu xilka kula wareegayo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolkan Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed  (Filish).