Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga Doorashooyinka howlo shaqo u jooga Baydhabo ayaa Maanta Kullamo kala duwan la qaatey Gollaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Kgs iyo Ururada Bulshada qeybahooda kala Duwan.
Waxana kulamadaasi inta Badan Looga Hadley qaabka Doorashada dalka 2021-ka ay u dhici laheed ,Gollaha wasiirada iyo Uruarada Bulshada Magalada Baydhabo aya Fikirkooda ku biirey Guddiga iyaga oo halkaasi la isku dhaafsadey fikrado,iyo sa’aalo la xiirira Arrimaha Doorashada.
Gudoomiyaha Guddiga Gaarka Arrimaha Sharciga Doorashooyinka Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in kulamadii kala duwanaa ee Maanta ka dhacay Baydhabo ay guulo waaweyn ka gaareen.




