Malaayiin Soomaali ah oo wajahaya macluul

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay macaluul iyo nafaqo darro ku soo fool leh in ka badan 2 Million oo qof oo Soomaali ah bilaha ugu dambeeya sanadkan 2019 ka.

Warbixin ay soo saareen ururada hoos taga Qaramada Midoobay ee qaabilsan raashinka, bani’aadamnimada iyo qiimaynta xaaladaha abaaraha ayaa lagu sheegay in roobka oo xiliyadii la filayay dib uga dhacay,.

Sidoo kalew Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in wabiyada oo biyo yareeyay iyo waliba hubanti la’aan laga qabo in roobabka la filayaa xiligoodii curtaan ay kor u qaadeen wal walka laga qabo macaluul iyo nafaqo darro ka dhacdo Soomaaliya.

Sanad kasta ayaa deegaano badan oo ka mid ah koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaa ka dhaca abaar daran taas oo saameyn ku yeelata dad u badan Reer Guuraa ama Xoolo Dhaqato.