SAWIRO:-Galmudug oo lagu wareejiyay Maleeshiyaad hubeysan & Gadiid

Madaxweyne ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Dahir Ciid oo Maalmahan ku sugan magaalada Cabudwaaq ayaa maanta la wareegay hub, gaadiid iyo maleeshiyaad loo diyaarinayo ciidanka daraawishta Galmudug.

Odayaasha dhaqanka Beesha Celi oo ka mid ah beelaha daga Waqooyiga Gobalka galgaduud ayaa madaxweyne ku xigeenka ku wareejiyay maleshiyaad iyo gadiidkooda.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa odayaasha dhaqanka beesha Celi oga mahadceliyay sida aay ugu wareejiyeen hubkan iyo malaashiyadka loo diyaarinayo ciidanka daraawishta Galmudug.

Horay ayaa beelaha dega degaannada gobolada mudug & Galgaduud waxaa ay wasaaradda Amniga Galmudug ku wareejiyeen, Maleeshiyaad, hub iyo Gaadiid dagaal, kuwaas oo qaarkood loo tababaray kamid noqoshada Ciidamada Daraawiishta Galmudug.