Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay si toos ah uga bilaabato Magaalada Baydhabo, islamarkaana halkaasi maanta lagu doorto Madaxweynaha Maamulkaasi.
Hoolka ay ka dhaceyso doorashadda ayaa waxaa soo buuxdhaafiyay xildhibaano iyo ergooyinka ka qeyb galaya doorashadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Shan Musharax ayaa u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed.




