Dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed waxa ay u dirtay Wafdi kor joogto ka noqon doona Doorashada Maamulkaasi ee maanta dhaceysa.
Wafdigan, ayaa waxaa hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya, kuwaasi oo kor joogto ka noqon doona doorashada Maanta la filaayo inay ka dhacdo Baydhabo.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay si toos ah uga bilaabato Magaalada Baydhabo, islamarkaana halkaasi maanta lagu doorto Madaxweynaha Maamulkaasi.



