SAWIRO:- Diiwaangelinta Musharixiinta Aqalka Sare oo ka socota Jowhar

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka socota diiwaangelinta musharixiinta Xildhibaannada Aqalka Sare ku matalaya Maamulka Hir-Shabelle.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa diwaangeliyay ilaa dhowr musharax oo uu kamid yahay Sanoter Cusmaan Maxamuud Dufle oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Aqalka Sare, waxaana dadka la tartamaya kamid ah Mxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah Safiirka Kenya ee Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Gobooleed ee Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay sheegeen in diiwaangelinta la soo geba gabeyn doono Maalinta Sabtida ah, isla markaana doorashada ay dhici doonto Maalinta Isniinta ah ee soo socota.