SAWIRO:-Dhaqan-gelinta heshiiskii Beelaha Huurshe & Xeraale oo bilaawday

Taliyaha Qaybta 21-aad  Haneraal C/Casiis C/Laahi Cabdi (Qooje) Iyo Saraakiil ka Tirsan Taliska ayaa deegaannada  Huurshe iyo Xeraale waxaa ay  kula kulmeen Odayaasha Dhaqanka oo ay kawada Hadleen Amniga iyo Kaalinta Bulshada.

Odayaasha Dhaqanka ayaa Ciidamada ku Amaaney sida ay u Ilaaliyeen Nabada, iyagoo kaashanaya Bulshooyinka Deegaanka  iyo guud ahaan deegaannada dowlad goboleedka Galmudug.

Taliyaha Qaybta 21-aad oo kormeer ugu tagey Ciidamada kala duwan ee Deegaanadaa u Jooga Howlaha Nabadeynta , sidoo kale waxa uu la Kulmey Odayaasha Dhaqanka oo dhankooda uu kaga Mahad celiyay Howsha ay la qabteen laamaha Amniga si loo Ilaaliyo nabada waartay ee Xukuumada Soomaaliya ay ka Dhaqan Galisay Goobahaasi,

Wafdi uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS Cabdi Maxamed Sabriye ayaa deegaanada u tagaya Dhowaan Bogaadinta Howsha halkaas ka suurta gashey, waxaana Ttaaabadaasi kaalin mug leh ka Qaatey Ciidamada Qaranka Qaybta 21-aad ee XDS.