Siyaasiga Cabdiraxmaab Cabdishakuur oo kamid ah hogaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ahna guddoomiyaha Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Xisbiyada diiday qodobada shirkii Dhuusamareeb ayaa soo bandhigay qodobada ugu weyn ay ku diideen War-Murtiyeedkii laga soo saaray Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo habeen ka hor lagu soo geba-gabeeyay Magalada Dhuusamareeb.
Isaga oo la hadlayay Idaacadda BBC-da ayuu sheegay in dowladda aysan sharciyad u heysanin inay dejiso shuruucda doorashada, wuxuuna ku eedeeyay dowladd federal in ay wadato musharax u gaar ah,isla markaana ay dowladda dooneyso inay afduubato doorashada Galmudug.
“Anagu waxaan rabnaa in Dowlad Goboleedka Galmudug ay magacawdo, in uu noqdo guddi karti iyo hufnaan lagu soo xulay, in uu noqdo guddi ay u dhan yihiin belaha wada degan Galmudug, “, ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Waxaa kale oo uu sheegay in gudiga ay tahay in uu dejiyo habraaca doorashada, go’aanna ka gaaro qofka xil ka qabanaya Galmudug, kadiban uu mas’uuliyadda la wareego barlamaanka la dooran doona ee Galmudug.