SAWIRO: Danjire Cabdullaahi Odawaa oo gaaray Kuwait

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Kuwait Danjire Cabdullahi Odawaa ayaa gaaray caasimadda dalkaasi ee Kuwait City.

Madax ka socotay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin kale oo ay kamid ahaayeen 19 safiiro oo ka kala socday wadamada Africa Iyo Carabta ayaa ka qeyb qaatay soo dhaweynta Safiirka cusub ee Soomaaliya.

Danjire Cabdullahi Odawa  ayaa kulamo is xog wareysi ah la yeeshey madaxda dalkaasi Kuwait,iyo diblomaasiyiin kale,si loo dardargeliyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kuwait oo ay mas’uuliyadiisu tahay.

Cabdullahi Odawaa ayaa ka mid ahaa Safiiro dhowr ah oo dhawaan ay Magacowday dowladda Soomaaliya.