Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa holwgallo waxaa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolkaas,isla markaana la sheegay inay kula wareegeen deegaano ay gacanta ku hayeen Ururka Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah looga fuliyay tuulooyin ku teedsan deegaanka Abal ee Gobolka Bakool,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in howlgalka ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada daacada u ah Wadaadka Muqtaar Rooboow oo u xiran Dowladda Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa sheegay in howlgalka uu u jeedkiisa ahaa sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada ay ka joogaan Gobolkaas,isla markaana dhowr tuulo ay la wareegeen.
Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin warkaan kazoo yeeray saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Bakool taas oo ku aadan inay la wareegeen deegaano ay gacanta ku hayeen Ururka Al-Shabaab.




