Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Mamaulka Hir-Shabeelle ayaa Galabta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku qabtay doorashada kursiga Hop#039, kaas oo ay ku tartameen laba musharrax.
Hop#039 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay Drs Maryan Axmed Haaruun, balse waxaa Maanta kursigaas ku guuleystay Cali Xaaji Aadan Abuukar oo helay 86 Cod halka Murashaxii la tartamaysay Ee Aamina Xaaji Bile Cali ay heshay 13Cod, Waxaa halaabay 2 cod.
Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa doorashadooda uga harsan lix kursi oo Shan kamid ah lagu dooranayo Magaalada Jowhar iyo kursiga ay ka geeriyooday Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ee Hop#135 oo doorashadiisa lagu qabanayo Magaalada Beledweyne.



