Wararka naga soo gaaraya Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay xilli dambe uu halkaasi ka dhacay Banaanbax xooggan oo ay dhigayeen qaar kamid ah dadka kunool Magaaladaas.
Banaanbaxa oo ahaa mid rabshado watay ayaa waxaa looga soo horjeeday xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana intiisa badan dhigayay dad u badan dhalinyarada Magaalada.
Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen Erayo ka dhan ah Maamulka Somaliland, iyaga oo sheegay inay kasoo horjeedaan dilal ka dhacay Magaalada laas-Caanood oo qaarkood ay ku lug leeyihiin Ciidamada Booliska Soomaaliland.
Dad ku sugan Magaalada laas-Caanood ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in Ciidamada Somaliland ay rasaas ku fureen dadka dibadbaxa dhigayay oo qaarkood dhagxaan ku tuurayay Ciidamada, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in banaanbaxa uu ka dhashay khasaaro dhaawac ah.
laamaha Amniga Magaalada laas-Caanood ee Somaliland ayaan weli ka hadlin banaanbaxaasi rabshadaha watay, wuxuuna kusoo beegmay xilli dhawaan Somaliland Magaalada laas-Caanood kasoo musaafurisay kumanaan Ruux oo degaan ahaan kasoo jeeda Maamulka Koonfur Galbeed.




