SAWIRO:-Banaanbax ka socda Afaafka hore ee Madaxtooyada

Qaar ka mid ah Ciidamadii hore ee Naafada Qaranka ayaa waxaa ay haatan banaanbax ka dhigayaan  irida hore ee laga galo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ee Shimbiraale oo u dhow Hotelka SYL ee Magalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa waxaa ay ka cabanayaan Mushaar la’aan iyo Daryeel xumo heysata sida ay sheegeen,waxaana ay dowladda Soomaaliya ka dalbadeen inay siiso xaquuqdii ay ku lahaayeen.

Mudo 4 Bilood ah ayay sheegeen inaysan helin xaquuqdii ay ku lahaayeen dowladda Soomaaliya,waxaana ay gebi ahaanba diideen in Madaxtooyada la galo lagana soo baxo.

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada ee  u sugan albaabka ayaa isku-dayaya inay xakameeyaan dadka Banaanbaxa dhigaya,waxaana goordhow gaaray warbaahinta kala duwan qaarkood.