Waxaa Maanta Ciidamo aad farabadan lagu daadiyay waddooyinka Waaweyn ee Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu arkayaa, iyaga oo amniga xaqiijinaya waddooyinka Magaalada Addis Ababa.
Saraakiil u hadashay Booliska Adsis Ababa ayaa waxaa ay sheegeen in ay si aad ah u sugayaan Amniga Caasimadda iyo degaannada hoostaga xilli walba .
Qorshahaan lagu sugayo Amniga Magaalada Addis Ababa ayaa kusoo aadaya xilli xoogaga TPLF ay sheegeen inay wax yar u jiraan qabsashada Magaalada Addis Ababa balse aysan galeyn.




