SAWIRO: Abaanduulaha Ciidanka xoogga oo gaaray Buuloburde

Abaanduulaha  Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Odawaa Yuusuf Raage iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray Magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga Abaandulaha ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ku sugnaayeen Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,iyaga oo kulamo la soo qaatay saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka iyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Sababta ay u tageen Magaalada Buuloburde ayaa lagu sheegay dardargalinta howlaha Muhiimka ah ee Ciidanka dowladda iyo qaadista howlgallo ka dhan ah Shabaab.