Sarkaal katirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed

Taliska Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kusoo Bandhigey Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, kaas oo isku soo dhiibay.

Sarkaalka oo lagu magacaabo madkeer Nishow Cabdiraxmaan oo magaciisa afgarashadu ay tahay Khaalid ayaa Saraakiisha Ciidamadu sheegeen in  uu kamid ahaa kuwa loo yaqaano Jabhadda jubbooyinka ee weerarada fuliya.

Madkeer ayaa sheegay inuu Al-Shabaab ka mid ahaa mudo labo sano ah, balse uu  ku faraxsanyahay in si wanaagsan loo soo dhaweeyo dhalinyarada la Shaqeyneysay Al-Shabaab ee isaga soo tagay kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada ay Shacabka kuhayaan.

Wuxuu Hay’adda Nabad-sugida ku amaaney soo dhoweynta qalbi furan ee loo sameeya dhalinta Al-Shabaab kasoo baxsaneysa ee doonaya in dadkooda kamid noqdaan, isaga oo ugu baaqay kuwa hadda katirsan inay isaga soo baxaan.

Dhowr jeer oo hore ayaa Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Nabadsugida Koonfur Galbeed ay soo bandhigeen Saraakiil iyo Xubno katirsanaa Ururka Al-Shabaab, balse Ciidamada isku soo dhiibay.