Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku gudajira booqashadiisa rasmiga ah ee uu ku joogo dalka Masar, ayaa waxaa uu booqday xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Safiir ka dalka Masar ahna Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Safaarada, halkaas oo uu warbixinno kaga dhageystay diblomaasiyiinta iyo howlwadeennada Safaaradda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dadaallada Dowladda ee ku aaddan dib u habaynta iyo horumarinta hanaanka diblumaasiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta matalaad dibadeed oo ku saleysan in la hagaajiyo xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd, iyagoo ka arrinsanaya qorsheyaasha heer Carbeed ee midnimada iyo wax-wada qabsiga dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo Dowladda Soomaaliya ay ka tahay xubin muhiim ah.

Madaxweynaha ayaa horay ula kulmay Madaxweynihii 5aad ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, waxaana la filayaa in Madaxweynaha uu kulamada sii wado.