Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska dalka Canada ayaa loo Maxkamadeynaayaa dilka nin Soomaali ah oo Bishii July lagu dilay Magaalada Ottawo ee dalka Canada.
Ninkaasi Soomaaliga ah waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabdi waxaana uu ka mid ahaa dadka mudda kunoolaa Magaalada Ottawa ee dalka Canada.
Sarkaal ka tirsan Booliska dalka Canada ayaa lagu eedeeyay in Cabdiraxmaan Cabdi uu si bareer ah u dilay ka dib markii ay iskhilaafeen sida ay sheegeen dacwad oogayaal ka tirsan Dowladda Canada.
Askariga Booliska ah ayaa lagu magacaabaa Daniel Montsion waana 36 sano jir.
Lawrence Greenspon, oo ah Qareenka qoyska Cabdiraxmaan Cabdi ayaa sheegay in ay la kulmeen Hay’adda kala duwan ee Danbi baarista ,islamarkaana ay soo xaqiijiyeen in Cabdiraxmaan Askarigaasi uu si bareer ah u dilay.
Maxkamad ku taalla Magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa sheegtay in Sarkaalkaasi sharciga la marsiin doono.



