Hargeysa-RisaalaFM- Magaaladfa Hargeysa ee Caasimadda Somaliland waxaa maalmihii ugu dambeeyay laga dareemayay khudaar yari, kadib markii ay istaagtay khudaartii ka imaan jirtay dalka Itoobiya.
Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay shaqaaqo ku dhexmartay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee wada dega dalka Itoobiya.
Suuqyada magaalada Hargeysa ayaa waxaa laga waayay khudaartii ka imaan jirtay dalka Itoobiya sida Basasha, Baradhada iyo nuucyada kale ee khudaarta.
Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa waxa ay inoo sheegeen in khudaartii Itoobiya markii la waayay, intii yareyd ee Bakhaarada tiilay ay qaaliyowday, taasi oo sababtay in sare u kac uu ku yimaado khudaarta.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Maxamed Awdaahir Ibraahim ayaa shacabka Somaliland wuxuu ugu baaqay in ay ka faa’ideystaan xilli roobaadka oo ay wax beertaan, si looga gaashaanto in tan maanta oo kale ay markale dhacdo.



