Saraakiisha Danab oo sheegay in ay dileen Saraakiil Shabaab ah

 Sh/Hoose-RisaalaFM- Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee Danab ayaa sheegay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah in galabta howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen degaanka Tooratoorow oo Al-shabaab ku lahaayeen saldhigyo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Danab ayaa warbaahinta Dowladda gaar ahaan Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan islamarkaasina Ciidamada ay ka weerareen degaanka Tooratoorow labo jiho.

Saraakiisha Danab waxa ay xaqiijiyeen in howlgalka lagu dilay labo Sarkaal oo ay magacyadooda ku sheegeen Faarax Cali Xuseen (Faarax Kalar) iyo Maxamed Cumar, islamarkaasna halkaasi sidoo kale lagu dilay tiro Dagaalyahano ah oo Shabaab ka tirsanaa.

Sidoo kale Saraakiisha Danab ayaa sheegay Faarax Cali Xuseen (Faarax Kalar) inuu ahaa Sarkaalkii Shabaab u qaabilsanaa dhanka wacyigelinta Gobolka Shabeellaha Hoose, halka Maxamed cumar uu ahaa Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee dilalka qorsheysan ka fuliya Shabellaha Hoose iyo Muqdisho.

Ciidanka Danab oo weeraray saldhig Shabaab

Ugu dambeytii Saraakiisha Ciidamada Danab ayaa waxa ay xuseen raggan la dilay in dhawaan ay gobolka Shabellaha Hoose soo gaareen, ayna ka warhayeen xogtooda Ciidamada.

Xoogaga Shabaab weli kama aysan hadlin warkan ka soo baxay Saraakiisha Danab ee sheegaya in ay dileen laba Sarkaal oo Shabaab ka tirsanaa iyo tiro dagaalyahano ah.