Dagaal qaraar oo u dhexeeyay ciidamada DFS iyo kuwa taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Duleedka magaalada Baydhabo, waxaana la soo weriyay in dagaalka ay ku geeriyoodeen Saraakiil ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliyihii Guutada 8-aad ee Qeybta 60 Xoogga Dalka,Cali Caddow, iyo Taliyihii guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Yoonis Aadan. waxaana isa soo taraya xogta khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Dagaalka maanta ayaa waxaa qaaday ciidamo taabacsanaa Madaxweynihii hore ee Koofur galbeed Cabdi casiis Lafta gareen.
Gaadiid dagaal ayaa sidoo kale lagu gubay dagaalka, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in mid kamid ah baabuurta loo yaqaano Sakaawaha uu gubanayo.
Dowladda Federaalka ayaa dhalinyaradan loo tababaray difaaca dalka iyo la dagaalanka argagixisada u adeegsatay dagaal siyaasadeed oo lagaha horgeeyay dadkii ay ahayd inay ilaaliyaan.
Wixii ku soo kordha la soco



