Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu waddaa in ay maanta ka qeyb galaan furitaanka Saldhigga ugu weyn Afrika ee dowladda Turkiga ay furatay Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale lagu waddaa in ay Mas’uuliyiin kale Maanta soo gaaraan Muqdisho.
Xafladda Furitaanka ayaa ka socota gudaha Saldhigga sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Saldhigga ayaa ku yaalla degaanka Jazeera ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Dhismaha Saldhigga ayaa bilowday Sanadkii 2015-tii waxaana lagu dhisay lacag ka badan 50 Milyan oo Dollar.
Saldhiggaan ayaa loo dhisay si casri ah, waxaana ku yaalla Iskuullo Milatari oo lagu tababari doono ciidamo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.



