DHAGEYSO: M/Gaas ” Khatar amni ayaa ka jirta degaanada Puntland”

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in degaanada Puntland ay ka jiraan Qatar dhanka amniga ah.

Gaas ayaa sidoo kale sheegay in degaanada Puntland qaar ay ka soo weerar tagaan Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish oo uu sheegay in ay dhibaato ku qabaan.

waxa uu sidoo kale tilmaamay in Xuduudaha Puntland ay ka jiraan culeysyo dhanka amniga ah taasi oo uu sheegay in qatarta amni ay sii xoojineyso.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in maamulkiisa ay ku dadaalayaan sidii loo soo afjari lahaa Al-Shabaabka iyo Kooxda Daacish ee ku sugan degaanada Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Hay’addaha amaanka Punttland si loo xaqiijiyo amaanka guud.

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Ururka Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish waxa ay ku dagaalamaan degaanada Puntland waxaana goobaha ay ku dagaalamaan ka mid ah buuraha Galgala.