Wasiir Tom Price oo iscasilay

Donald Trump ayaa aqbalay iscasilaadda xoghayihiisa caafimaadka Tom Price oo ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaasi.

Tom Price ayaa cadaadis xooggan la kulmay kaddib markii ay caddaatay in uu diyaarado khaas ah uu ku aaday safarro shaqo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday tilaabada oo uu qaaday wasiirka ee ah in uu safaro khaas ah ku aaday diyaarado.

Tom Price ayaa horay raaligelin uga bixiyay inuu 26 jeer diyaarado khaas ah ku safray tan iyo bishii May ee sanadkan, kharashka safarradaasina uu gaaray 400,000 oo doolar oo laga bixiyay khasnadda dowladda.

Saraakiisha dowladda marka laga reebo kuwa ku howlan ammaanka qaranka ayaa ku khasab tahay in ay raacaan diyaaradaha rakaabka xilliga ay u baxayaan safarradooda shaqada.

Wasiirka xilka ka degay Tom Price ayaa ka mid noqday liiska dheer ee mas’uuliyiinta iscasilay ama xilka laga qaaday ee ka tirsan maamulka madaxweyne Trump.