Saddex Wasiir oo maanta Baarlamaanka hortagaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa Maanta kulan ku yeelanaya Xarunta ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa waxaa hor imaanaya 3 Wasiir oo ka mid ah Wasiirada Xukuumada Ra’isal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiirada Maanta Xildhibaanada hortagaya ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Caafimaadka, Cadaaladda, iyo Warfaafinta.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumada Soomaaliya Drs Foosiyo Abiikar Nuur ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doonto Hindise sharciyeedka Caafimaadka Dalka

Wasiirka Wasaarada Cadaaladda ee Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doono Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq Maasuqa.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi gelinta Bulshada ee Xukuumada Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Xildhibaanada ka hor jeedin doono wax ka badal lagu sameeyay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya.