Muhaajiriin ku dhintay xeebaha dalka Turkiga

Ugu yaraan 21 qof oo qaxooti ah iyo tahriibayaal ah ayaa dhintey jimcihii, ilaa sagaal qof oo kale ayaa la la’yahay ka dib markii dooni ay u saarnaayeen Yurub ay ku degtay xeebaha dalka Turkiga, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Turkiga.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Afartan qof oo ku jiray dooni kalluumeysi in  la badbaadiyay.

haween uur leh oo lasoo badbaadiyey ayaa la geeyay isbitaalka, lakiin waxa ka dhintay ilmaheeda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Dadaallada goobidda iyo samatabixinta ayaa socota si loo helo dadka wali ka maqan degmada Kefenk, ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay ciidamada xeebaha Turkiga.

Deegaanka wuxuu ku yaallaa ilaa 130km meel bariga magaalada Istanbul, oo ah magaalada ugu weyn ee Turkiga.

Mehmet Unal, oo ah sarkaal maxali ah oo joogo  magaalada ku dhow Kandira, ayaa sheegay in doonta la rumaysan yahay in ay la socdeen 70 muhaajiriin ah, kuwaas oo intooda badani ahaa Ciraaqiyiin.

Warar aan la hubin ayaa sheegaayo in dadkaan muhaajiriinta ah ay kusii jeedeen dalka Romania.