HORDHACA: Stoke City VS Chelsea- Blues Oo Usafreysa Kooxda Lagu Naynaaso Jabhada England Ee Stoke City

Chelsea ayaa isha ku heysa inay dib ugu soo laabato wadada guusha kulanka Premier League galabta ay u safreyso kooxda Stoke City.

Blues ayaa barbaro goolal la’aan ah la gashay Arsenal isbuucii hore, laakiin waxay badiyeen shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan.

Kooxda Conte waxay heysataa rikoor wanaagsan marka ay usafreyso kooxda dhibka badan ee Stoke City oo xili ciyaareedkaan ka badisay Arsenal, halka ay barbaro ay la gashay kooxda Manchester United.

OGEYSIISKA KULANKA

Garoonka: bet365 Stadium

Saacada: 5: 00 PM

MAXAA CUSUB?

Tababare Hughes waxaa ka maqnaan doona Kurt Zouma sabab la xiriirta heshiiskiisa amaahda ah ee uu kula joogo kooxda Stoke, halka Ryan Shawcross uu la dhibtoonayo dhaawac dhabarka ah.

Julian Ngoy, Stephen Ireland, Ibrahim Afellay, Geoff Cameron iyo Jakob Haugaard ayaa dhamaan taribuunka ka dawan doona kulanka galabta, sabab la xiriirta dhaawacyo ay qabaan.

Ka dib markii uu isbeddel weyn kua sameeyay kooxdiisa kulankii guuldarada kasoo gaartay Ashton Gate, tababare Hughes ayaa la rajeynayaa inuu kusoo laabto line-upkiisii ​​ugu fiicn galabta.

Jese Rodriguez iyo Choupo-Moting oo lagu daray Shaqiri ayaa hogaaminaya shaxda galabta wajaheysa kooxda Chelsea

Dhinaca Chelsea waxaa ka maqan Luiz oo wajahaya ganaax seddex kulan ah, taasoo la micno ah in Andreas Christensen ama Antonio Rudiger midkood loo xulan doono booskiisa.

Danny Drinkwater ayaa weli la maqan dhaawac kubka ah, Pedro ayaa sidoo kale dhaawac ku seegi doona kulankaan, iyadoo Eden Hazard lagu soo bilaabi karo kulankiisii ugu horeeyay Premier League.

Weeraryahanka reer Spain Morata ayaa kusoo laaban doona shaxda koowaad kadib markii la nasiyay kulankii wareega saddexaaad ee EFL CUP oo ay kooxdiisa ka badisay naadiga yar ee Notheham Forest.

Conte ayaa la rajeynayaa inuu ka ciyaaarsiiyo khadka dhaxe Tiemoue Bakayoko iyo N’Golo Kante, halka Cesc Fabregas uu ka garab ciyaari doono xiddigaha reer France.

XAQIIQADA KULANKAAN

ayaa badisay kaliya labo kulan oo ka mid ah 18kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League oo ay la ciyaartay Chelsea, labadaaas guulba waxay ku garatay garoonkeeda.

Potters ayaa qasaaro 13 jeer kala kulantay Chelsea horyaalka Premier League, waana rikoorkii ugu xumaa ee dhamaaan kooxaha ay ku wajahday Horyaalka.

Chelsea ayaa laga badiyay kaliya seddex ka mid ah 23kii kulan ee ugu dambeyay Premier League, iyadoo sidookale heshay 17 guul iyo 3 barbaro.

Blues ayaa badisay 7 ka mid ah 8dii kulan ee ugu dambeysay oo ay marti ahaayeen Premier League.

Chelsea Waxa ay ku guuleysan karaan seddexda kulan ee ugu horeysa horyaalka Premier League iyagoo banaanka ku ciyaaraya markii ugu horeysay tan iyo 2009kii.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Stoke City: Butland; Martins Indi, Shawcross, Wimmer; Diouf, Allen, Fletcher, Pieters; Shaqiri, Choupo-Moting; Jese

Chelsea: Courtois; Azpilicueta, Christensen, Cahill; Zappacosta, Bakayoko, Kante, Alonso; Willian, Hazard; Morata