Sacuudiga oo xabsiga kasii deysay Sheekh caan ah

Dowladda Sacuudiga ayaa xabsiga kasii daysay Sheekh Maxamed Xuseen al-Amoudi oo ah bilyaneer u dhashay dalka Itoobiya kana mid ah sheekhyada ugu caansan dalkaasi, kaasi oo bishii November ee 2017 loo xiray olole ka dhan ah musuq-maasuqa.

Warkan ayaa waxaa xaqiijiyey xafiiska ra’iisul wasaraaha Itoobiya.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa taleefishinka dowladda Itoobiya iyo laba ilo-wareed oo Sacuudiyaan ah, ayaa sidoo kale sheegtay in Al-Amoudi lasii daayyey.

Ololihii la-dagaalanka musuq maasuqa ee Sacuudiga ay sameeyeen 2017, ayaa waxaa lagu xiray boqolaal bilyaneero iyo ganacsato, taasi oo ahayd tallaabo uu xukunka ku xajisanayey dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan.

Dadaallo lagu sii daynayo al-Amoudi ayaa billowday bishii May ee 2018, markii ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed uu Bin Salmaan kula kulmay magaalada Riyadh, ayaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo maxaabiista u xiran boqortooyada.