Rwanda & Jabuuti oo amaanka Somaliya ka wada hadlay

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame iyo madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar geele ayaa yeeshay kulan gaar ah oo ay kaga hadlayaan xiriirka u dhaxeeyo labada dowladood kuna saleysan dhanka ganacsiga iyo amaanka.

Labada madaxweyne ayaa isku raacay iney kordhiyaan xiriirkooda dhanka ganacsiga kadib markii ay warbaahinta kula hadleen xafiiska madaxweynaha dalka Rwanda, halkaasi oo booqasho labo maalin ah uu ku joogay madaxweynaha Jabuuti.

Sidoo kale labada madaxweyne ayaa sheegay iney isla garteen in  laga shaqeeyo xiriirka dhanka amaanka ayna wadaagan xogaha la xiriira dhanka amaanka.

“Waan ku faraxsanahay inaan sii wadno wada shaqeynta walaalaheena dalka Jabuuti si loo xoojiyo dhaqdhaqaaqa ganacsi, waxaan isla garanay arimo dhowr ah”ayuu yiri madaxweynaha dalka Rwanda.

Madaxweyne Kagame ayaa sheegay in dowlada Jabuuti ay muhiim u tahay amaanka wadamada bariga Africa, ayna ka taageeri doonaan wax walbaa oo amaanka ah iyo howlgalka ay u joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa sheegay in dowlada Rwanda ay kala saxiixdeen xoojin lagu sameeyo xiriirka dhanka ganacsiga iyo amaanka ee kala dhaxeeyo dowlada Rwanda.