RW Rooble” Waan farax sanahay in doorashadii Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi soo idlaatay”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeey Shanta kursi ee Xildhibaannada Aqalka Sare, kuwaas oo Maanta lagu doortay Xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

“Waxaan hambalyo u dirayaa mudaneyaasha  maanta la doortay ee Aqalka Sare ee BFS ku matalaya Somaliland, waan ku faraxsanahay  in doorashadii Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi ku soo idlaatay ayuu yiri” Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale hambalyo iyo ammaan u jeediyay ergooyinkii wax doortay iyo guddiyada doorashada ee  sida hufan ee xilkasnimada leh doorashada u maamulay.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Xildhibaannada Aqalka Sare ee Maanta la doortay.

  1. Saciid Cabdi Xasan
  2. Naciimo Xasan Xaaji
  3. Axmed Maxamed Saciid
  4. Axmed Ibraahim Maxamed
  5. Deeqa Xasan Xuseen