RW KMG ah ee dalka Suuriya oo baaq diray

Ra’iisul wasaaraha ku meelgaarka ah ee Suuriya ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay dadku ku raaxaysan lahaayeen xasilloonida ka dib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Bashaar Al-asad.

Maxamed Al-Bashiir, oo ahaa madaxii hore ee taliskii fallaagada ee waqooyi galbeed ee dalka, oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Aljazeera ka dib markii kooxda Hayat Tahir al- Sham ay u magacowday xilka si kumeel gaar ah ilaa March 2025.

Bashir ayaa hogaaminayay shir talaadadii ka dhacay Dimishiq oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan xukuumadiisa cusub iyo kuwii xukuumadii hore ee Asad oo looga hadlayay xil wareejinta iyo hay’adaha.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya uu sheegay in fallaagada ay tahay inay “fariintooda wanaagsan” u beddelaan ficillo ay ku maamulaan dalka.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay aqoonsan doonto oo ay si buuxda u taageeri doonto dowladda Suuriya ee soo socota, ilaa iyo inta ay ka noqonayso dowlad ku dhisan hanaan lagu kalsoonaan karo, oo loo dhan yahay, ixtiraamna u leh dadka laga tirada badan yahay.