RW ee hore ee Soomaaliya Rooble Muxuu ka yiri gogosha uu MW Xasan Sheekh ugu baaqay Siyaasiyiinta?.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal ka soo saaray gogoshii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu u dhigayo siyaasiyiinta, taas oo inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ay soo dhaweeyeen.

Rooble ayaa ugu horeyn bogaadiyey dagaalka ay ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed kula jiraan argagixisada ‘duulanka ku soo qaaday diinta, dadka iyo dalka.’

Sidoo kale, wuxuu soo dhaweeyey gogosha uu ku dhawaaqay Xasan Sheekh inuu dhigayo, isagoo talo ka bixiyey sida ay ku haboontahay in looga faa’iideysto.

Gogosha uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa soo dhaweeyay Siyaasiyiinta mucaaradka.