Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland oo weerar ku qaaday saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin G/Jubada Hoose.

Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubaland iyo kuwa XDS gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa Weerar qorsheysan ku qaaday saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin Waqooyiga gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa  lagu burburiyay xarumo ay Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku ku lahaayeen Gobolka Jubada Hoose, iyadoona halkaasi loogu dilay saraakiil iyo dagaalameyaal badan oo ka tirsan Kooxda.

Saraakiisha ciidanka Daraawishata iyo kuwa kumaandooska XDS ayaa sheegay inay burburiyeen meelihii gabaadka u ahaa khawaarijta oo ay kamid yihiin goob ay shacabka kaga qaadayeen baadda ay ku sheegeen sakaatul-fidri.

Sidoo kale  saraakiisha ay sheegay in la sii wadi doono howlgalka si meesha looga saaro Maleeshiyaadka Al-shabaab.