Ruux la sheegay in uu ahaa Ganacsade oo Muqdisho lagu dilay

Rag hubeysan ayaa la sheegay in Barqanimadii Maanta ay Waaxda Saddexaad ee degmada Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir ku dileen mid ka mid ah dadka ku noolaa Xaafadaas,isla markaana la sheegay in uu ahaa Ganacsade.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in raga hubeysan ay Ninka ugu tageen goobtiisa Ganacsi kuna toogteen,isla markaana durba ay goobta ka baxsadee,sidoo kalen ay halkaasi tageen Ehelada Marxuumka, iyaga oo goobta ka qaaday meydka Marxuumka.

Sidoo kale Ciidamo ka trirsan Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo baaritaano ah oo aan weli kasoo biixn wax natiijo ah.

Weli ma cada sababta loo dilay iyo dadka ka dambeeyay dilka Ninka la sheegay in uu ahaa Ganacsadaha,waxaana uu qeyb ka yahay dilalka inta badan ka dhaca Gudaha degmooyinka Gobolkan Banaadir.