Rooble oo Magacaabay Masuuliyiin Cusub

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Federaalka Soomaaliya Maxamwd Xuseen Rooble ayaa wareegta kasoo baxday waxaa uu Agaasimayaal cusub u kala magacaabay wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Wareegtada xafiiska Rooble ka soo baxday ayaa lagu sheegay in Agaasimaha Guud loo magacaabay ee Wasaarada Gaashaandhiga Xasan Maxamed Saciid Samatar, Halka Cabdinaasir Mukhtaar isna loo magacaabay Agasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeel Bulshada.

Masuuliyiintaan Cusub ayaa la filayaa in ay dhawaan la wareegaan shaqada loo igmaday ee Wasaaraddaha Gaashaandhiga iyo Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Magacaabista xubnahaan ayaa imaaneysa, kadib  markii uu shalay Rooble uu sheegay in golihiisa Wasiirada iyo hey’adaha kale duwan ee dowladda uu ka joojiyay magaaacista xilalka iyo in ay gaaran go’aan uu isagu ogeyn.