Xaafad ka tirsan magaalada Baledweyne oo laga barakacayo

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in shalay iyo maantaba ay jireen qoysas ka barakacay xaafad ka tirsan magaalada Baledweyne iyo tuulooyin hoos yimaada kaddib markii ay soo baxeen warrar sheegaya in ay burbureen wadahadallo u dhaxeeyay labo beelood oo dhawaan aagaasi ku dagaalamay.

Guddi wasiiro heer federaal ah oo dhawaan tagay Baledweyne ayaa maalmihii la soo dhaafay garwadeen ka ahaa shirrarka lagu heshiisiinayo odayaasha beelaha dagaalamay.

Wasiiradaasi waxa kamid ah, Wasiiru Dawlaha Cadaaladda ee Dawladda Federaalka Xildhibaan Yuusuf Xuseen Gama’diid, waxaana uu sheegay in barakaca dadka ay timid kadib markii Suuqa la geliyay in wada-hadalladii ay burbureen lana dagaalami rabo.