Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu ka fikirayaa inuu dib ugu soo laabto horyaalka England Premier League – laakiin wuxuu kusoo biirayaa kooxda difaacaneysa koobka EPL ee Chelsea, sida ay qortay majaladda The Sun.
Xiddiga kooxda Real Madrid CR7 ayaan ku faraxsaneyn nolosha dalka Spain ka dib markii lagu soo eedeeyey inuu lunsaday canshuur dhan 13.1 milyan oo ginni.
Maadaama ay Manchester United dhowaan lasoo wareegtay Alexis Sanchez kaasoo xirtay lambarka 7aad waxaa haatan meesha ka baxday rajo walba oo uu Ronaldo kula soo laaban lahaa Old Trafford.
Balse majaladda The Sun ayaa haatan fahamsan in 32 sanno jirka mashiinka goolasha ah ee dalka Portugal uu u furan yahay inuu u dhaqaaqo kooxda ka dhisan Stamford Bridge dhammaadka xilli ciyaareedkaan.
Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkaan caawin waayey kooxdiisa Real Madrid oo 16 dhibcood ka dambeysa hogaamiyeyaasha horyaalka La Liga ee Barcelona. Sidoo kale madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa ku guuleystaha shanta jeer ee abaalmarinta Ballon d’Or uga baxay ballantii mushaar kordhinta ee laga qaaday markii uu kooxda ka caawiyey hanashada koobka UEFA Champions League 2017kii.
Maamulka kooxda Chelsea ayaa ka cabsi qaba inuu Eden Hazard xagaaga soo aadan ka tago Stamford Bridge isagoo ku biiraya midkood Real Madrid ama Paris St Germain. Sidaas darteed diyaar garoow ku aadan bedelkiisa ayey galeen.
Haddii uu Hazard ku biirayo Real Madrid, Chelsea waxay qeyb ka mid ah heshiiskaan ku dooneysaa Ronaldo.


