Cristiano Ronaldo ayaa kusoo gabagabeeyay sanadkiisii cajiibka ahaa isagoo ku guulaystay abaalmarinta laacibka aduunka Ballon d’Or award markii afaraad, ka dib markii uu ku caawiyey Real Madrid inay ku guulaysato koobka horyaaladda Yurub Champions League xilli ciyaareedkii hore isagoo sidoo kale dhaliyey sadex gool oo xulka qarankiisa Portugal ay ku guulaystay koobkii cayaaraha Euro 2016.
Waxa uu dhaliyay 51 gool 54 kulan uu u saftay kooxdiisa iyo wadankiisa, inkastoo ay aheed goolashiisa ugu hooseeyay tan iyo 2008-dii, ayaa hadana waxa uu hantay bilad kale oo uu ku guuleysatay Champions League ‘iyo koobka European Championship.
Aniga ahaan waxay ii tahay sharaf weyn inaan helo kubada dahabka markii afraad, “ayuu yiri Ronaldo. “Dareenkayga waa sida mid ka mid ah marki ugu horeysay, waa riyo mar kale rumowday.
Marnaba ma aan ku fikiraynin inaan ku guuleysto afar jeer abaalmarintaan. aad baan ugu faraxsanahay. Waxaa uu ahaa sanadka ugu fiicnaa mustaqbalkeyga ciyaareed si wadajir ah, Real Madrid iyo Portugal. khaasatan inaan xulka qaranka Portugal la qaado koobkii cayaaraha Euro 2016.


