Ronaldo Oo Ka Hadlay Qorshihiisa soo jiidshada Leh Ee Dhismaha Hotel-ada

Xidiga kooxdda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay arinta maalmamahan soo jiidashada yeelatay ee ku saaabsan hotel-ada uu ka dhisaayo dunida gaar ahaan dalkiisa Portugal.

Wakaalada wararka ee Spain ee loo soo gaabiyo EFE ayaa Ronaldo weydiisay maxay kuula micno yihiin Hoteelada aad dhisatay.

“Wuxuu ahaa mashruuc i xiiso geliyey bilowgiiba. Markasta ayaan ku riyoon jiray inaan sameysto hoteelo ama hoteel markii aan aadka u dhallintayaraa. Haatan afar hoteel oo kale ayaan furi doonaa. Hal hoteel ayaan durba ka furnay magaalada Madeira, haatan hoteel kale ayaan ka furnay Lisbon, laba hoteel oo kale ayaana dhowaan furi doonaa.”

“Mashruucaan waxaa wada koox u gaar ah. Ma jecli inaan ka qeyb noqdo wax kasta oo ku saabsan mashruucaan. Laakiin waan la socdaa waxa dhacaya oo ku saabsan dhismaha hoteelada Pestana. Howshaan waxaa gacanta ku haya madaxweynaha mashruucaan Dionisio kaasoo khibrad badan u leh.”

Waxaad degtay kumanaan Hoteel, waa maxay waxa ugu horreeya ee aad fiiriso marka aad timaado Hoteel cusub?

“Haddii aan daacadnimo u hadlo, sheyga ugu horreeya ee aan fiiriyo marka aan hoteel cusub soo dego waa sariirta. Sababtuna waxay tahay aniga ahaan, halka ugu muhiimsan hoteelka waa sariirta.”