Hal arin oo Ronaldinho uu ka shalaynaayo waayihiisa ciyaareed Oo Dhan

Ronaldinho ayaa sheegay inuu kaliya ka shalaayay inuusan waqti dheer ka garab ciyaarin xidiga Barcelona Lionel Messi.

Ninka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or waxaa uu bilaabay caan bixiisa Barcelona xiligii Ronaldinho uu ka tagayay kooxdda 2008, waxaa uu sheegay inuu ku yiri sanadkiisii ugu dambeeyay ee Barca qaado funaanada nambar 10 markii aan baxo.

Ronaldinho ayaa ku biiray Milan ka hor intii uusan kulaaban dalka uu u dhashay ee Brazil, Messi ayaa noqday ninka ugu goolasha badan taariiqda Barca iyo xidigii ugu fiicnaa  abid.

“Waxaan helay wax walba oo aan u baahday taasina waa arin wanaagsan ayuu Ronaldinho u sheegay Gulf News.

“Dabcan waxaan jeclaa inaan wax badan la ciyaaro Messi, waa ciyaariyahan weyn, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ka caawiyo bilawgii xirfadiisa iyo inaan ka caawiyay goolkisii ugu horeeyay.

“Markii aan arkay sida uu noqday xidig weyn waxaan aad uga shalaynayaa in aanan mudo dheer ka garab ciyaarin, waxaa uu lee yahay wax yaabo badan oo gaar ah.

“Messi waa xidig weyn ,waxaa uu ciyaara xulka Argentina oo ah xul weyn,waxaan aaminsahay inuu heysto fursad dhab ah oo uu ku qaadi karo koobka aduunka ee  2018, Mar walba waa saaxibkey.