Daafaca kooxda Burnley Michael Keane ayaa looga yeeray xulka England ka hor kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ee ka Dhaka ah xulalka Malta iyo Slovenia.
Keane, oo 23 jir ah, ayaa lagu bedelayaa Glen Johnson oo uu soo gaaray dhaawac deg deg ah oo klooga saaray xulka.
Daafaca Stoke City ayaa wajahaya xanuun bowdada ah,kadib markii loogu yeeray xulka England laba sano kadib.
Macalinka Kumeel gaarka ah ee xulka England Gareth Southgate ayaa si deg deg ah hadda ugu yeeray daafacii hore ee kooxda Manchester United kaasoo hadda u ciyaara kooxda Burnley Michael Keane.
Waa markii ugu horeysay daafaca Burnley Michael Keane loogu yeero xulka waaweyn ee England, kuwasoo isku diyaarinaya kulamada koobka adduunka loogu soo baxayo.


