DHAGEYSO: Kenya oo war ka soo saartay dib u celinta Qaxootiga Dhadhaab

Kenya-RisaalaFM- Dowladda Kenya ayaa markale sheegtay in aan si qasab lagu soo celin doonin Qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya kuwaas oo 25-kii sano la soo dhaafay deegaansanayay halkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Kenya ayaa soo dhaweeyay hubaal ahaansaha ah in Dalka Kenya uu u hogaansami doono sumcadii soo jireenka aheyd ee Dalka uu lahaa taas oo uu ku tixgelin jiray Qaxootiga.

Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay in ay ilaalin doonto heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee ay horey u wada gaareen Dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo Hay’ada UNHCR.

Qaxooti aad u fara badan ayaa hada si iskood ah uga soo laabtay Dalka Kenya, kuwaas oo hada ku soo qul qulaya Gobolada Dalka iyo Magaalada Muqdisho.

Dowladda Kenya ayaa horey usheegtay in ay xireyso xeryaha Dhadhaab oo ay ku nool yihiin Kumanaan ruux oo Soomaali ah kuwaas oo Dalkooda uga cararay colaada Dalkooda ka taagan.