Muqdisho-RisaalaFM- Siyaasiga Madoobe Aw-jaamac oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu walaac ka muujiyay suurtagal ahaanshaha in markale muddo bilooyin ah loogu daro Dowladda Federaalka.
Madoobe Aw-jaamac ayaa waxa uu sheegay in xilligan aysan suuragal aheyn in waqti kale oo dheeri ah loogu daro Dowladda Federaalka haseyeeshee waxa uu tilmaamay waqtiyada kooban ee ka haray Doorashooyinka in wax walbo lagu qaban karo hadii si cadaalad ah loo wajaho.
Siyaasiga Madoobe Aw-jaamac ayaa sheegay in hada la diyaariyay Odayaasha dhaqanka ee soo xuli lahaa xildhibaanada, isagoo intaa ku daray in Bishan gudaheeda wax walbo oo Doorashada la xiriirta lagu qaban karo.
Sikastaba waxaa waqti kooban ka haray Doorashada la filayo in ay sanadkan ka dhacdo dalka, Baarlamaanka Soomaaliya go’aan uu horey usoo saaray ayaa waxa uu ku sheegay in inta laga helayo Baarlamaan bedela midka hada jira in uu sii shaqeynayo Baarlamaankan.


