Ronaldo, Bale, Mandzukic Mise Peter Crouch? – Jamaahiirta Kubadda Cagta Oo Cod Ku Doortay Goolkii Maqaska

Bogga rasmiga ah ee tartanka Champions League uu ku leeyahay barta Twitter-ka ayaa cod ka qaaday jamaahiirta ku taxan iyada oo la kala dooranayay afar maqas oo u tartamaya goolkii maqaska (Dhabalka) ahaa ugu fiicnaa taariikhda tartankaas.

Xiddigaha ku loolamayay ayaa kala ahaa Cristiano Ronaldo, Gareth Bale, Mario Mandzukic & Peter Crouch balse waxa ugu dambayn hantay weeraryahankii hore ee Liverpool iyo xulka England ee Crouch.

Ronaldo ayaa ku tartamayay maqaskii cajiibka ahaa ee uu ka dhaliyay Juventus siddeed dhammaadkii CL ee xilli ciyaareedkii hore halka Gareth Bale uu ku tartamayay midii uu Liverpool qaabka yaabka leh iskugu rogay Final-kii CL ee 2018 halka Mandzukic uu loolanka ku galayay maqaskii Final-kii 2017 uu ka dhaliyay Real Madrid.

Maqaska uu Peter Crouch ku qaaday loolankan adag ayaa ahaa mid cajiib ah oo uu tartankan kaga dhaliyay kooxda Galatasaraay.

Crouch ayaa lagula kaftami karaa inuu garab ka helay shaqsiyaadka ku xidhan bartiisa Twitter-ka kaddib markii uu dib u daabacay qormada (Retweet) oo uu boggiisa dhigay dadka la socda oo 630-kun ahna weydiistay inay u coddeeyaan.