Romelu Lukaku Oo Soo Xushay Xiddiga Ugu Fiican Kooxdiisa Man United

Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Romelu Lukaku ayaa soo xushay xiddiga uu u arko midka ugu fiican kooxdiisa xilli ciyaareedkan isaga oo xiddigo in badan la amaanayay iska diiday.

Haddiiba aad filanaysay inuu xusho Paul Pogba, Marcus Rashford ama David De Gea weeraryahanka ree Belgium ayaa doortay daafaca bidix ee kooxda ee Luke Shaw kaas oo xilli ciyaareedkan dib u hantay booskiisa kooxda.

Mustaqbalkiisa kooxda ayaa u muuqday mid shaki weyni saaran yahay mudadii uu joogay tababare Jose Mourinho laakiin bandhigya Luke ayaa horumaray horraantii xilli ciyaareedkan.

Bandhigiisa cajiibka ah ayaa ugu dambayn u sahlay inuu helo booskiisa kooxda, In dib looga waco xulka qaranka England iyo waliba in heshiis cusub oo wakhti dheer ah laga saxeexday.

Lukaku ayaa isaga oo si guud ahaaneed u amaanaya xiddigaha kooxda haddana si khaas ah u amaanay Smalling oo bandhig fiican samaynaya tan iyo soo kabashadiisa, Goolhaye De Gea oo uu midka booskiisa ugu fiican caalamka ku sifeeyay iyo Shaw oo uu u arko xiddigii xilli ciyaareedka ee kooxda.